Ceymisyo

Select your region

Länsförsäkringar consists of 23 regional companies that all have unique offers and prices to fit your needs.

Muxuu yahay ceymis?

Ceymisku wuxuu ku ilaalinayaa haddii ay wax dhacaan. Markaas waxaad heli kartaa megdhaw ku aaddan wixi kaa dhumay ama kaa jabay Waxaa jira laba ceymis oo aad, waxa kale ka hor, u baahantahay in aad yeelatid, waana ceymis guri iyo ceymis gaari. Halkan waxaad ka daawan kartaa filmaanteenna ku aaddan sida aad ku heli kartid iyo sida ay kuu ilaalinayaan.


Gurigaaga ceymis gasho

Ceymiska gurigu wuxuu saldhig u yahay qoysas badan ammaankooda dhaqaale. Iyadoon la eegeynin sida aad u deggantihid waa muhiim in aad iska ilaalisid iyo gurigaagana ka ilaalisid dhacdooyin iyo shilal aan la saadaalin karin.


Ceymis geli gaarigaaga

Sida sharciga swiidhishka ku cad waa in dhammaan gawaaridu ay ceymis gaadiid lahaadaan. Ceymiskeenna gawaaridu wuxuu ka koobanyahay seddax heer oo kala duduwan: Ceymis gaadiid, ceymis bar ah iyo ceymis buuxa.